Advertisements
Wararka

M/weynaha Somalia oo gaaray Ankara si uu uga qeyb galo caleemo saarka Madaxweyne Erdogan…


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo gaaray magaalada Ankara halkaas ayaa kaga qeybgalaya maanta caleema saarka Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogan.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed oo ka warbixiyay safarka Madaxweynaha ayaa yiri; “Madaxweynaha waxa uu halkan u yimid inuu ka qeyb qaato waaga cusub ee u baryaya walaalaheenna reer Turkiya kadib natiijadii doorashadii madaxtinnimo, waxaana rajeynaynaa in xiriirka soojireenka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiya heerka uu haatan taaganyahay inuu kasii xoogeeysto.”

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa ka soo kicitimay magaaladda Jabuuti halkaas oo ay uga soo qeyb galeen Shirka Iskaashiga Afrika iyo Shiinaha iyo munaasabad lagu daah furayay Suuqa Xorta ah ee Jabuuti.

Madaxweynaha waxaa safarkan ku wehliya Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Mudane Cabdulqaadir Sheekh Axmed Khayr, Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Mudane Maxamed Cali Xagaa iyo La-taliyaha Arrimaha Dibadda ee Madaxweynaha Mudane Balal Cusmaan.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4988 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: