Advertisements
Wararka

Tuug alaabo ka xaday guri oo u dhaafay warqad raalli gelin ah reerkii guriga…


Tuug ayaa ku qoray warqad raali gelin ah irida qaboojiyaha ama talaajada guri ka mid ah guryaha magaalada Taiz ee Yemen, kadib markii uu xaday qalabka korontada iyo qaar ka mid ah alaabta guriga, wuxuu xaday ayaa qiimo ahaan gaarayey 250 kun riyaalka Yemen (qiyaastii 500 oo dollar) gaajo ayaa ku qaaday arrintaasi.

Mushtaq al-Faqih ayaa u sheegay wakaalada Anatolia in qaraabadiisa ay ka tageen gurigooda oo ku yaalo xaafada al-Zahra ee magaalada Taiz ayaamo ka hor, waxayna si ku meel gaar ah ugu guureen baadiyaha waayo xaafadooda oo ku socotay duqeymo adag.

Faqih ayaa ku daray in xaaskiisa aaday guriga si ay u soo hubiso, si la yaab leh waxay u aragtay fariinta uu ka tagay tuuga ee dusha albaabka qaboojiyaha waxay u qorneyd sida tan (aniga wax ma xadin wallahi waxaa ii geeyey gaajo, dembi dhaaf ayaa idin weydiistay… walalkiina Cabdo Axmed).

Faqih ayaa ku faafiyey sawirka qoraalka ee uu ka tagay tuuga barta Facebook-ga, asaga oo sharaxay in tuugu uusan xadin dhammaan wixii guriga yaalay alaab iyo qalabba.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4988 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: