Advertisements
Wararka

Berat Albayrak oo qaraabo dhow la ah Madxweyne Erdogan ayaa qabtay xil muhim ah…


Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan ee mar kale la soo doortay ayaa magacaabay golihiisa xukuumadda wax yar uun kaddib markii xafiiska loo dhaariyay.

Madaxweynaha Turkiga ayaa wiilka uu Soddoga u yahay ee lagu magacaabo Berat Albayrak waxaa uu magacaabay in uu noqdo Wasiirka Maaaliyadda dalka Turkiga.

Erdogan ayaa dib loo doortay bishii aynu soo dhaafnay. Waxa uu sheegay in uu meesha ka saaray hab wadanka ka ragaadiyay dhan kasto hadii ay ahaan lahayd dhanka siyaasadda ama dhaqaalahaba.

Dib u doorashada Erdogan ayaa meesha ka saartay gabi ahaanba habkii baarlamaniga ahaa ee dalkaa lagu soo dhaqayay 95 sano ka hor.

Golaha Wasiirrada cusub ee uu soo dhisay madaxweynaha Turkiga ayaa isugu jira Wasiiro cusub iyo kuwo horay xilal uga hayay xukuumadda oo qaarkood loo daayay Wasaaradihii ay maamulayeen.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4270 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: