Advertisements
Wararka

Boqorka Bernabeu Ronaldo oo ka tagay kooxda boqortooyada una wareegay Juventus…


Kadib muddo sagaal sanno oo uu la joogay Real Madrid, wuxuu kula guuleystay 16 koob iyo 451 gool oo uu dhaliyey iyo shan jeer oo qaaday kubada dahabka, waa kaas xiddiga Portugal Cristiano Ronaldo oo qorayo sadaradii ugu dambeeyey ee sheekadiisa kooxda boqortooyada, kadib markii Real Madrid ay cadeysay maanta oo Talaado ah in uu ku biirayo kooxda Juventus.

Real Madrid ayaa ku dhawaaqay bixitaankii xiddigoodii ugu horeeyey ee sagaalka xilli ciyaareed ee la soo dhaafay iyadoo war qoraal ah oo lagu faafiyey bartooda rasmiga ah oo lagu yiri ” Wuxuu naadiga cabirayaa inuu u mahad celiyo ciyaaryahanka kaasi oo cadeeyey inuu yahay ciyaaryahanka ugu fiican adduunka, asaga oo ka qeybgalay sameynta mid ka mid ah muddooyin badan dhalalka naadiga”.

“Cristiano Ronaldo mar walba wuxuu ahaan doonaa mid ka mid ah calaamadaha ugu weyn ee taariikhda Real Madrid, iyo dib u raaca jiilka mustaqbalka,” “Real Madrid marwalba waxay ahaan doontaa gurigaaga.”

Dhinica kale wargeyska “Marca” oo ku dhow Real Madrid ayaa shaaca ka qaaday qiimaha lagu gatay halyey Ronaldo oo gaaray 123 milyan oo doolar, halka warar kale ay sheegayaan in aysan ka badneyn 117 milyan oo doolar.

Waxaa jira sababo badan oo uu uga tagay xiddiga reer Portugal naadigiisa, waxa uu jeclaa in loo kordhiyo mushaarkiisa si uu u noqdo laacibka ugu mushaarka badan adduunka, taasi oo aan ka helin Real Madrid, arrinta labaad qadiyada canshuuraha oo lagu eedeeyey in uu cashuur la baxsaday, asaga oo dareemay inuu ammaan ku heysan Madrid, iyo markii lagu daro sababo kale.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4270 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

w

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: