Advertisements
Wararka

Hadal xanuun badan oo ka soo baxay hooyada dhashay Xiddiga Ingiriiska Dele Alli…


Waa shaqaale nadaafadeed laakiin waxba kama rabto wiilkeeda oo ah xiddiga kooxda England, oo leh tobanaan malyan oo doolar, waxay rabta oo keliya in ay hab siiso oo keliya, akhbaakiisana wey ku faaneysaa.

Hadal xanuun badan oo ka soo baxay hooyada dhashay xiddiga Ingiriiska iyo Tottenham Dele Alli (22-sano), oo dhaliyay goolka labaad, isla markaasina ka caawiyay Qarankiisa oo ka gudbiyey godkii Sweden una soo baxay semi-finalka Koobka Adduunka tan iyo 1990kii.

Hooyada Dele oo la yiraahdo Denise ayaa u sheegtay wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa Britain “Rajadeyda ayaa luntay markan arkay sawirka uu kula jiray reerkii soo korsaday, waan ogahay in ay qoyskiisa yihiin, laakin weli waxaan ahay hooyadiis, waxuu waxyeeley dareenkeyga ee faafinta sawiradaasi”.

Dele Alli

“Waan jeclahay inaan la jooga Russia, waxaan u diray warqado dhowr ah ka hor inta uusan u safrin Mondialka Koobka Adduunka, markii uu goolka dhaliyey, laakin wuu iska indhatiray dhamaantood, ma ila hadlo, mana jawaabo telefoonkeyga, wuxuu u jawaabaa oo keliya wicitaanka walaashiis.” ayey tiri.

“Waxba kama rabo isaga, waxaan doonayaa oo keliya inaan Hab siiyo wiilkeyga oo iga dhigay mid aan ku faano inuu u ciyaaro dalkiisa, goolalna ka dhaliyo Koobka Adduunka.” ayey ku soo koobtay.

Wargeyska The Sun ayaa wada hadal la yeelatay Denise laba sanno ka hor waxay u sharaxday sida ay ugu dhacday godka oo qabatintay dhammaan noocyada aalkolada, iyada ayaa dooratay in ay siiso wiilkeeda Dele Alli qoyskiisa labaad si uu ugu koro jawi ka wanaagsan keeda oo uu gaaro riyadiisa oo uu noqdo laacib xirfadle ah.

“Qalbigaygii wuu burburay maalintii uu ka tagay guriga, laakiin sanadahan waxaan ogaaday in go’aankeyga uu sax ahaa, Ilaah baan u mahadcelinayaa mustaqbalka wiilkeyga helay”. ayay ku soo gabagabeysay wareysi laba sano ka hor.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4270 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

w

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: