Advertisements
Wararka

Howshii gurmadka ee lagu badbaadinayey caruurtii godka oo lagu guuleystay…


Masuuliyiinta Thailand ayaa ku dhawaaqay guusha hawshii gurmadka aheyd ee lagu badbaadinayey 12 carruur ah iyo tababarahooda oo ku xanibnaa gudaha god ilaa 17 maalmood.

Quusayaasha ayaa ku guuleystay in ay siddeed caruur ah ka soo saaraan godka labadii maalmood ee la soo dhaafey ka dibna maanta la soo saaray intii ku hartay.

Caruurta iyo macallimkooda ayaa ku xayirmay godka ka dib markii roobab culus ay qarqiyeen albaabka laga galo godka, tan iyo maalmo waxay ahaayeen kuwo la la’aa, ilaa iyo markii quusayaasha soo heleen todobaadkii hore.

Dhibaatada carruurta iyo ka shaqeynta xoriyaddooda ayaa waxaa uu si ballaaran u qabsaday Ra’yi caamka dunida oo dhan.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4988 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: