Advertisements
Wararka

Maareeyaha Guud ee Hey’adda Duulista Hawada Yuusuf Jaalle oo shaqada laga joojiyey…


Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumada Soomaaliya Maxamed C/llaahi Oomaar ayaa shaqada looga joojiyay Maareeyaha Guud ee Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Yuusuf Cabdi Cabdulle (Yuusuf Jaalle).

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Wareegtada kasoo baxday laguma cadeyn sababaha rasmiga ah ee shaqada looga joojiyay Yuusuf Jaalle oo kamid ahaa xubnihii ololaha u waday Madaxweyne Farmaajo xiligii doorashada.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in shaqo ka joojinta lagu sameeyay Maareeyaha Guud ee Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Soomaaliya ay salka ku heyso is qab qabsi u dhaxeeya Shirkadaha Diyaaradaha dalka oo ka dhashay arimaha xajka.

Jaale

Jaale1

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4270 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: