Advertisements
Wararka

Xiddiga Hollywood George Clooney oo galay shil mooto oo uu ku dhaawacmay…


Xiddiga Hollywoodka George Clooney ayaa loo qaaday isbitaal kadib dhaawac yar oo ku yimid shil mooto uu watay oo ku dhacday gaari.

Dhacdadan ayaa ka dhacday jasiiradda Talyaaniga ee Sardinia, halkaas oo Clooney ku diyaarinayo shaqadii ugu dambeysay ee loo duubo teleefishanka, oo la magac baxday “Catch 22”.

Sarkaal ka tirsan degmada Sassari ee Sardinia ayaa sheegtay in Clooney uu ku dhaawacmay shil yar “iyadoo sheegtay in dhaawiciisa uusan ahayn mid halis ah, islamarkaana uu ka baxay isbitaalka.

Shilkan ayaa la rumeysan yahay in uu dhacay 8-dii subaxnimo (0600 GMT) markii Clooney uu ka tagay hoteel ku yaal Costa Coralina, waqooyiga Sardinia.

Sida laga soo xigtay warbixinada qaar, Clooney ayaa ka dhaawacmay jilibka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4988 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: