Advertisements
Wararka

Kooxah France, Belgium iyo England oo leh waxyaabo ay wadaagaan dhinaca laacibiinta…


Waxaa jira waxyaabo ay wadaagaan afarta kooxood ee isugu soo haray semi-finalka koobka adduunka seddax ka mid ah ka sokow isu dhowaanshaha dhinaca jugraafiga, waxay leeyihiin waxyaabo kale oo ka siman yihiin.

Kooxaha Faransiiska, Belgium iyo England waxay leeyihiin tiro badan oo ciyaartoy ah oo u dhashay waalidiin soo galooti ah ama dhinaca hooyada ama aabaha.

Tirokoobyada ayaa muujinaya, in 16 ciyaaryahan oo ka mid ah 23 ciyaaryahan oo wakiilka ka ah France ee koobka adduunka uu ugu yaraan mid ka mid waalidkooda uu ku dhashay meel ka baxsan France. Laba ka mid ah ayaa ku dhashay jasiiradaha Faransiiska ee badda Caribbean, oo ah qayb ka mid ah Faransiiska.

Kooxda Belgium.jpg

Tirakoobka ayaa sidoo kale muujinaya in 11 ciyaartoy oo Belgium ah iyo lix ciyaartoy oo England ah ay ahaayeen ugu yaraan hal ka mid ah waalidkood muhaajiriin. Waxaa kaloo ku jira afar ciyaaryahan oo ka tirsan kooxda Ingiriiska oo ka soo jeeda Caribbean, waxaa kamid ah Rahim Sterling, oo ku dhashay Jamaica.

Kala duwanaanshaha dhaqanka sababtiisa ayaa France waxay heshaa taageerayaal badan oo ka soo jeeda dalal badan oo ku taageera tartanka horyaalka koobka adduunka.

Kooxda Igiriiska.jpg

Isla sidaas oo kale kooxda Belgium, oo 11 ciyaaryahan oo mid ka mid ah waalidiintiisa ay yihiin soo galooti ugu yaraan, oo ay ku jiraan Romelu Lukaku iyo Vincent Kompany oo waalidiintooda ka soo jeeda Congo – Aabaha Lukaku ayaa u ciyaari jiray kooxdii Zaire bartamihii sagaashameeyadii ee qarnigii la soo dhaafay.

Tani waxay ku tusineysaa sawir aad u kala duwan ee kooxdii ciyaaraha Koobka Adduunka ee Belgium 2002dii, oo ku jiray labo ciyaaryahan oo keliya oo aan asalkooda Belgium aheyn.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4270 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

w

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: