Advertisements
Wararka

Maamulka Britain oo ku eedeeyey Facebook in ay ku xadgudbeen sharciga Britain…


Maamulka Britain ayaa sheegay in Facebook uu ku xadgudbay sharciga Britain iyaga oo ku fashilmay in ay ilaaliyaan xogaha dadka isticmaala, iyo qarinta xaqiiqda isticmaalka macluumaadka dadka ee kol hore ee “Cambridge Analytica” tobannaan malaayiin oo dadka isticmaala ah iyadoo loo adeegsaday dacaayad siyaasadeed.

Shirkadda ayaa wajahaysa ganaax gaaraya ilaa 500 kun oo pounds (664 kun oo doolar).

Shirkadda ayaa la kulantay naqdin baahsan oo kaga timid qolooyinka ka gaara go’aamada dunida sida ay ula macaamishay xogaha macaamiisha, iyo sida Russia uu u isticmaalay madasha si loogu abuuro fowdo ololayaasha doorashada ee madaxtinimada Mareykanka 2016.

Mark Zuckerberg oo ah CEO Facebook, ayaa hore u qirtay in ay shirkaddu ku fashilantay in ay ilaaliyaan xogaha dadka isticmaala, taasi oo sidoo kale ay xaqiijisay mar kale Erin Egan, oo ah mas’uulka Facebook ee khusuusiyaadka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4989 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: