Advertisements
Wararka

Shirkii IGAD ee arrimaha qaxootiga, muhaajiriinta iyo barakacayaasha oo la soo xiray…


Dalka Jabuuti waxaa lagu soo gaba gabeeyay shirkii looga hadlayay arrimaha barakacayaasha, qaxootiga iyo muhaajiriinta ee maalmahan dambe saameynta xoogga leh ku yeeshay dalalka Bariga Afrika.

Shirkan oo uu soo qaban qaabiyay urur goboleedka IGAD ayaa waxaa ka qeyb galay wufuud ka kala socotay dalalka xubinta ka ah IGAD oo ay qeyb ka tahay Soomaaliya.

Xog-hayaha Guud ee IGAD Maxbuub Macalin ayaa sheegay shirkan inuu ku saabsanaa sidii maalgelin loogu sameyn lahaa dhibaatada balaaran ee ka jirta dalalka gobolka.

Maxmuub ayaa sheegay dowladda Jarmalka ay balanqaaday inay bixiso lacag dhan 20 Million oo lagu taageerayo arrimaha barakacayaasha, qaxootiga iyo muhaajiriinta, balse wuxuu tilmaamay in mashruucan aysan ku filneyn lacagtaas, loona baahan yahay dhaqaale dheeraad ah, sidaasi darteedna la abuuray sanduuq dhaqaale lagu aruurinayo.

“Shirkan wuxuu ku saabsanaa sidii maalgelin loogu sameyn lahaa dhibaatada badan ee ka jirta gobolka ee ku saabsan qaxootiga, dowladda Jarmalka ayaa balanqaaday inay bixiso 20 Million balse lacagtaas kuma filna arrimahan, waxaanu sameyneynaa mashruuc kale oo dhaqaale lagu aruurinayo” ayuu yiri Maxbuub Macalin.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaaladaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cadde Mukhtaar oo horkacaya wafdiga dowladda Soomaaliya ka socda ee shirkan ka qeyb galaya ayaa sheegay shirkan inuu ku soo dhamaaday guul oo Soomaaliyana ay faa’idooyin badan ugu jirto.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4270 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

w

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: