Advertisements
Wararka

Daaci Islaami caan ah oo ficiladiisa muran badan ka abuurtay Turkiga oo la xiray…


Booliska Istanbul ayaa xiray Adnan Oktar oo ah daaciye Islaami caan ah oo shaqsiyadiisa muran badan dhalisay iyo ilaaladiisa iyo dadka la xiriiro oo dhan asaga oo lagu eedeeyey inuu abuuray qowleysato dembiiliyaal ah oo ku kaca dhac iyo xadgudubka dhinaca galmada, waxaa lala xiray 234 qof oo ah dadka taabacsan ama xirtiisa.

Bilowgiisa hore
Waxaa lagu yaqaanaa Oktar oo ku (dhashay Ankara, 1956), barnaamijyadiisa diiniga ee muranka badan dhaliya, kaas oo lagu baahiyo chanel-ka telefishankiisa ee diiniga, waxaana looga hadlaa Toosnaanta iyo qiyamka mabaadi’da Islaamka iyadoo qamri iyo naago niikinaaya oo loo yaqaano (A9) Turki ah la joogaan.

Oktar ayaa asal ahaan ka soo jeeda qoys Caucasian, wuxuu Qur’aanka bartay oo xafiday asaga oo yar, kadibna wuxuu bartay falsafada iyo fanka qurxinta ee jaamacada “Mimar Sinan” ee Istanbul.

Xarigiisa

Sida laga soo xigtay bogga internetka ee channel-kiisa TV, ayaa lagu qoray inuu alifay in ka badan 300 oo buug oo lagu tarjumay 73 luqadood, Oktar qudhiisu wuxuu isu aqoonsan yahy hogaamiye iyo daaci diini ah, wuxuu leeyahay dad taabacsan iyo taageerayaal oo dalka Turkiga oo dhan ku nool inta badanna ay yihiin dumar.

Hoggaamiyayaasha diinta ayaa si joogta ah u cambaareeya barnaamijkiisa telefishanka, kaas oo helay sumcad xun.

Barnaamijkiisa
“Daaciga Islaamiga ah” Oktar oo barnaamij television ku sharaxay mabaadi’da shareecada Islaamka iyo qiyamka oo ay tahay in la raaco, iyada oo goobta joogaan haweenka niikiya iyo fanaaniin jirkooda qeybo ka mid ah qaawan, kuligood waxa ka muuqda qaliinka qurxunta sida ay u muuqdeen, wuxuuna ugu yeeraa “bisadihii yar yaraa”, kuwaasi oo ku dhufta heeso iyaga oo la jiibinaya dhalinyaro rag ah, waxaa loo tiriyaa inuu yiri “Islaamka wuxuu mamnuucay muujinta riyada dumarka iyo farjigeeda”.

Oktar iyo asxaabtiisa

Horaantii sanadkaan, madax arrimaha diinta ee Turkiga, Ali Orbash ayaa yiri: “Waxay u badan tahay Oktar inuu maskaxda ka jirran yahay,” taasi ayaa timid dagaal afka ah oo ku dhex maray television ayaa ku yiri “mushaarka mu’asasada arrimaha diinta ayaa laga bixiyaa canshuurta guryaha haweenka jirkooda iibsada ee Turkiga”.

Madaxa arrimaha diinta ayaa bishii Febraayo sanadkan ka gudbiyey dacwad isaga oo ku eedeeyay wax u dhimadida qiyamka diinta Islaamka.

Isla bishaa, hay’ada maqalka iyo araga ee Turkiga ayaa dalbatay in la joojiyo barnaamijka Oktar ee ka baxa television-kiisa. waxaa lala xiray 106 haween oo taabacsan.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4270 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

w

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: