Advertisements
Wararka

Diyaarado dagaal oo duqeeyey saldhig al-Shabaab ku leeyihiin deegaan ka tirsan J/Dhexe…


Wararka ka imanaya gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in diyaarado dagaal duqeeyeen saldhig ururka Al-shabaab ay ku leeyihiin Tuulada Xasan Kuusow oo ka tirsan gobolkaasi.

Tuulada Xasan Kuusow oo Duqeyntan ay si gaar ah uga dhacday ayaa waxa ay u dhaxeysaa Deegaanada Jawaari iyo Raaxoole oo Jubbada Dhexe ka tirsan.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya duqeyntan oo dhacday xalay 03:00 habeenimo in lala beegsaday saldhig Shabaab ay ku tababaraan caruurta yaryar.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in duqeyntan fuliyeen Diyaaradaha dagaalka oo loo maleynayo in laga leeyahay dalka Kenya, waxaaa ayna tilmaameen in ay maqleen dhawaqa ilaa 9 Gantaal oo lala eegtay Saldhigga.

Saraakiisha ciidamada xoogga dalka ayaa waxa ay sheegeen in duqeyntan lagu dilay ilaa Sideed dagaalyahan oo ka tirsan Shabaab, sidoo kalena looga gubay laba gaari oo midi uu ahaa gaadiid dagaal.

Al-shabaab oo dhinacooda ka hadlay duqeyntan ayaa waxa ay sheegeen inaanay jirin khasaare ka dhashay Duqeyntan oo dhankooda ama shacab soo gaaray.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4270 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

w

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: