Advertisements
Wararka

Gabdh Iiraaniyad ah ayaa ku faafisay Instagram video iyada oo niikineysa…


Mas’uuliyiinta Iran ayaa xiray tiro dad ah oo ku faafiyey video barta bulshada ee Instagram, Waxaa ku jira gabadh faafisay clip iyada ah iyada oo ku niikineysa muusik.

Wargeyska The Guardian ayaa tilmaamay in la joojiyey xisaabta ama account Maa’ida Hgabri (18 sano), ka dib markii ay soo jiidatay in ka badan lix boqol oo kun oo daawadayaal kuna xirmay bogeeda, tan iyo markaas Hgabri ayaa ka soo muuqatay barnaamij ka baxay television dowladu leedahay iyada iyo maxaabiis kale, laakin dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda ayaa sheegay in lagu qasbay in ay qirtaan, taasi oo ka mid ah xeeladaha mas’uuliyiinta Iran, sida laga soo xigtay wargeyska.

Gabadha ayaa ka soo muuqatay barnaamij iyada oo wajigeeda qarsoon oo ooyneysa oo gariireysa. Marka la eego qirashooyinkan, Maa’ida ayaa arrinkan u sameysay in ay ku soo jiidato dad badan oo taageerayaal ah oo taabacsan ama ku xirma barteeda bulshada.

Dad badan ayaa aaminsan in maamulka ay joojin doonaan Instagram, oo ka mid ah App-yada reer galbeedka ah ee weli ka furan ama ka shaqeeya Iran.

Sanadkii 2014-kii, xukuumadda Iran ayaa xirtay koox taageerayaal u ah heesaaga Pop-ka Mareykanka Farrell Williams oo isku sawiray iyaga oo heestaasi qaadaya isla markaana ku ciyaaraya muusikada heesta, waxayna la kulmeen xukun xabsi iyo karbaash.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4270 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

w

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: