Advertisements
Wararka

M/weynaha Croatia oo maaliyada Qarankeeda u hadiyeysay Trump iyo Theresa May…


Madaxweynaha Croatian Kolinda Kitarovic ayaa ka maqneyd ciyaartii Xulka qarankeeda uu la yeeshay England, taas oo ku dhaamaatay in Croatia u soo baxdo ciyaarta finalka koobka adduunka markii ugu horeysay taariikhdeeda, laakin waxay ku jirtay jawi sport oo xamaasadeysan iyada oo ka qeyb galeysay shirkii NATO ee lagu qabtay Brussels.

Funaanada Croatia

Madaxweynaha Croatian ayaa barteeda Twitter-ka ku faafisay sawiro iyada oo u hadiyayneysa maaliyada ama funaanada xulka qarankeeda Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo Rai’sul wasaaraha Britain Theresa May, labada funaano ayaa kala wata Magacyada Trump iyo Theresa May.

Kol hore Kitarovic ayaa la arkayey iyadoo ku labisan funaanada qaraneeda oo ka qeyb gashay ciyaartii kooxda qarankeeda uu  la yeeshay qaranka Ruushka, iyada oo dhinac fadhiday Rai’sul wasaaraha Ruushka Dimitry Medvedev.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4988 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: