Advertisements
Wararka

Dowlada Norway oo aqoonsatay baasaboorka caadiga ah ee Somalia…


Dowlada Norway ayaa shaacisay in ay aqoonsatay baasaboorka caadiga ah ee Jamhuuriyada Soomaaliya, kadib markii ay ku qanceen hannaanka lagu bixiyo baasaboorka iyo tayadiisa.

Munaasabad dowlada Norway ku shaacineysay n ay aqoonsatay baasaboorka Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Naiarobi ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya danjire Axmed Ciise Cawad, iyo Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo Safiirka Norway u fadhiya Kenya.

Safiirka Norway u fadhiya Kenya danjire Victor C. Rønneberg ayaa munaasabada ka sheegay in hal sano oo ay wada-shaqeynayeen dowladda Somaaliya kaddib ay ku qanceen hannaanka lagu bixiyo baasaboorka iyo tayadiisa.

Aqoonsiga Norway baasaboorka

“Horay waxaan u aqoonsannayn baasaboorka Diplomaasiga ah ee Soomaaliya, Norway waxa ay sidoo kale aqoonsanaysaa baasaboorka caadiga ah iyo kan shaqo ee ay soo saarto Agaasinka Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya. Go’aankani waxa uu dhaqan galayaa bish Agoosto kowdeeda” ayuu yiri danjire Rønneberg.

“Waxaana ku biiraynaa dalalka Midowga Yurub ee aqoonsan baasaboorka Soomaaliya. Inta la ogyahay waxaa ka mid ah dalalka France, Talyaaniga, Poland, Slovenia, Lithuania, Portugal, Malta Estonia. Ugu dambayn aan caddeeyo in go’aanka ay Norway ku aqoonsatay baasaboorka Soomaaliya uusan wax ka beddelaynin shuruudaha dal ku galka Norway.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya danjire Axmed Ciise Cawad oo munaasabaddan ka qeyb galay ayaa sheegay in dadaal dheer oo ay sammeysay dowladda Soomaaliya iyo shaqo adag oo ay qabatay Agaasinka Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ay keentay in dowladda Norway ay aqoonsato baasaboorka. Isaga oo si gaar ah u bogaadiyay safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo sidoo kale kaalin mug leh ka qaadatay arrintaan.

“Waa maalin taariikhi ah, Norway sanadkii 2012 ayay aqoonsatay baasaboorka diblomaasiga ah, maantana waxa ay aqoonsatay dhammaan noocyada kale sida kan shacabka iyo midka shaqaalaha, dadaal ay bixisay dowladda gaar ahaan hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda oo uu hoggaaminayo AGaasime Koofi ayaa lagu gaaray” ayuu yiri Wasiir Cawad.

Dowladda Soomaaliya ayaa sanadkii 2007-dii billowday daabacaadda baasaboor elektronig ah, kaas oo lagu beddelay baasaboorkii hore oo laga heli jiray suuqa. Wixii ka dambeeyay waqtigaas waxaa la sii adkaynayay hannaanka lagu bixiyo baasaboorka ayada oo sidoo kale ay sii badanayeen dowladaha aqoonsanaya ama oggolaanaya in ay dal ku-gal saaraan.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4270 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

w

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: