Advertisements
Wararka

Haweeneydii ugu horeysay Kenya oo gaarta darajada General ee ciidanka…


Faadumo Axmed oo ciidanka milatariga dalka Kenya kamid aheyd mudo 35-sano ah ayaa maanta loo dhaariyay darajada Jenaraal, waxa ayna noqotay Haweeneydii ugu horeesay ee Kenyan ah ee darajadaasi ciidanka ka gaarta.

Munaasabad qurux badan oo lagu dhaarinayay Faadumo Axmed ayaa maanta lagu qabtay magaalada Nairobi, waxaana munaasabadaasi kasoo qeyb galay Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta.

Madaxweyne Uhuru Kenayatta oo darajada Jenaraal u xiray Faadumo ayaa ugu hambalyeeyay darajada sare ee ciidanka ka gaartay, waxa uuna sheegay in guusha faadumo ka gaartay ciidanka ay tahay mid aad u weyn oo ku dayasho mudan.

Fatima iyo Uhuru.jpg

Waxa uu sheegay Madaxweynaha Kenya in uu rajaynayo guusha ay Fatuma gaartay ay dhiirigalin u noqon doonto haweenka kale islamarkana uu rajaynayo in ay hormuud iyo tusaale u noqon doonto.

Genaraal Faadumo oo katirsan ciidanka milatariga dalka Kenya ayaa hogaamisa Waaxda Saadka ee ciidanka Milatariga Kenya, waxa ayna Haweeneydan Kenya ka gashay Taariikh weyn oo lagu xasuusan doono.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4270 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

w

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: