Advertisements
Wararka

Madaxweynaha Eritrea Isaias Afewerki oo Sabtiga booqasho ku tegi doono Addis Ababa…


Dowladda Itoobiya ayaa shaacisay in Madaxweynaha Eritrea Isaias Afewerki uu bari oo sabti ah booqasho ku tagayo magaalada Addis Ababa.

Booqashadan rasmiga ah oo saddex maalmood ah ayuu uga jawaabayaa martiqaad uu ka helay Ra’iisulwasaare Abiy Axmed, sida uu Twitterka ku shaaciyay agaasimaha xasiifka Ra’iisulwasaaraha Fitsum Arega.

Booqashadan ayaa diiradda lagu saari doonaa xoojinta calaaqaadka labada dal.

Dhawaan ayay ahayd markii uu Ra’iisulwasaaraha Itoobiya booqasho la yaableh ku tagay magaalada Asmara ee dalka Eritrea.

Booqashadaas ka dibna waxay labada dal shaaciyeen in la soo afjaray colaaddii labaatanka sano dhex taalay labada dal.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4988 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: