Advertisements
Wararka

Dagaalka u dhaxeeya qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida oo sii fidaya…


Xiisadaha dagaal ee u dhaxeeya Qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida Itoobiya ayaa ku fidaya deegaano hor leh oo ka tirsan Itoobiya, iyadoo dagaaladan dib u soo cusboonaaday ay sababeen dhimasho iyo dhaawac badan.

Dagaalada ayaa maalmihii la soo dhaafay laga soo sheegayay deegaanada u dhaxeeya Oromada iyo Soomaalida, waxaana jiray dad Soomaali oo lagu gowracay tuulooyin dhowr ah.

Wararka ayaa intaa ku daraya in dagaalada ay ku sii fideen deegaanada u dhow xadka Kenya, waxaana weerarada ay Oromada ku soo qaadayaan Soomaalida lagu sheegay mid dhul ballaarsi ah.

Odayaasha deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa is weydiinaya sababta xilligan uu u soo cusboonaaday dagaalka Soomaalida iyo Itoobiya, iyo ujeedka laga leeyahay, waxaana ay sheegeen in looga gol leeyahay in Soomaalida lagu barakiciyo.

Ismaamulada Soomaalida Oromada iyo Itoobiya ayaa dhowr jeer oo hore isku eedeeyay in midba midka kale uu ka dambeeyo dagaalka, isla markaana ay jiraan maleeshiyaad hubeysan oo dagaalada ku lug leh.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4270 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

w

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: