Advertisements
Wararka

Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki oo ka degay magaalada Addis Ababa ee Itoobiya…


Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa ka degay magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Itoobiya, halkaasoo uga bilaabatay booqasho taariikhi ah oo qaadan doonta 3 cisho.

Madaxweyne Afwerki ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Bole ku soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, waxaana loo sameeyay soo dhoweyn heerkeedu sareysay.

Socdaalka Madaxweynaha Eritrea ku tagay Addis Ababa ayaa ahaa kii u horeeyay muddo 22 sano uu ku tago, kaddib markii labada dal uu xiriirkooda xumaaday, kana dhasheen dagaalo dheer oo labada dal ku dhex maray xuduuda u dhaxeysa.

isaias soo dhoweyn

Xiriirka labada dal Ethiopia iyo Eritrea ayaa weji cusub galay, tan iyo markii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu qaaday is bedelo taariikhi ah, kaddib markii bishii April loo magacaabay xilka Ra’iisul Wasaaraha.

Labada dal ayaa gaaray heshiisyo taariikhi ah oo xiriirka diblomaasiyadeed lagu soo celiyay, waxaana muddo 20-sano kaddib dhex maraya xiriiro diblomaasiyadeed, mid bulsho iyo ganacsi.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya uu booqasho taariikhi aheyd ku tagay magaalada Asmara.

Eritrea iyo Itoobiya ayaa waxaa dhex maray dagaalo socday sanadihii 1998-2000, kaasoo lagu tilmaamay inuu ahaa mid ka mid ah dagaaladii ugu dheeraa ee Afrika ee dhex mara labo dal.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4270 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

w

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: