Advertisements
Wararka

Qaraxyo xoogan ayaa ka dhacay meel u dhow xarunta Madaxtooyda Somalia…


Labo qarax oo aad u xoogan ayaa waxaa goordhaw ay ka dhaceen meel ku dhaw xarunta Madaxtooyada Soomaaliya sidoo kale uu kuyaalo Hotelka SYL oo ay degan yihiin mas’uuliyiin katirsan dowlada.

Jugta qaraxa koobaad oo ahaa mid xoogan ayaa laga maqlay inta badan xaafadaha magaalada Muqdisho, waxaaan uuro iyo qiiq madow laga arkayay aaga qaraxu ka dhacay oo ku dhaw xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa mid ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari waxaabaha qarxa laga soo buuxiyay, waxa uuna ka dhacay meel ku dhaw dhismaha Hoteka SYL iyo Beerta Nabada oo kuyaala meel ku dhaw xarunta Madaxtooyada .

Waxaa daqiiqado kadib mar kale dhacay qarax kale oo xoogan, waxaana qaraxaasi uu isna ka dhacay meel ku dhaw goobtii uu markii hore ka dhacay qaraxa koobaad.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in gaariga koobaad ee qarxay uu xoog kaga soo gudbay koontarool yaala laamiga Ceel Gaabta, waxa uuna gaariga qarxay iyada oo ciidamada amaanka rasaas ku ridayeen.

Rasaas goos goos ah ayaa laga maqlayaa agagaarka xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana halkaasi buux dhaafiyay ciidamo badan oo katirsan kuwa dowlada Soomaaliya.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4297 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

w

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: