Advertisements
Wararka

Weerar ismiidaamin ahaa oo lagu laayey dad badan gobolka Balochistan ee dalka Pakistan…


Weerar xoogan oo ismiidaamin ah ayaa lagu qaaday fagaare kuyaala gobolka Balochistan ee Koonfur Galbeed ee dalka Pakistan , waxaana weerarkan lagu laayay dad aad u badan.

Fagaaraha weerarka lagu qaaday ayaa la sheegay in uu ka socday olole doorasho uu waday Siyaasi gobolkaasi kasoo jeeda, waxaana mar qura goobta ololaha ka socday ka dhacay qaraxyo aad u xoogan.

In ka badan 120-qof ayaa ku dhintay weerarkan ka dhacay fagaaraha ololaha ka socday, waxaa sidoo kale weerarka ku dhaawacmay dad intaas ka badan, dadka dhintay waxaa ku jira siyaasigii ololaha waday.

Kooxda Khilaafada Islaamka ee Daacish ayaa durba sheegatay masuuliyada weerarkan dadka badan lagu laayay, waxa ayna kooxda sheegtay in dad badan oo wax gal ahaa halkaasi ku dishay.

Dhinaca kale qarax kale ayaa lagu weeraray goob kale ay ka socotay olole doorasho magaalada Bannu ee dalka Pakistan, waxaana weerarkaasi ku dhintay afar qof halka tiro kalana ay ku dhaawacmeen.

Dalka Pakistan oo maalmo kadib ay ka dhacayaan doorashooyin ayaa waxaa hareeyay qaraxyo xoogan oo lagu weerarayo goobaha ay ka socdaan ololaha doorashada, waxaana inta badan weeraradaasi fulinaya Kooxaha Daacish iyo Daalibaan.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4797 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: