Advertisements
Wararka

Waa kuwama madaxda caanka ah ee ka qeyb galeysa xiritaanka koobka adduunka?…


Maanta oo axad ah waxaa la soo gebegebeyn doonaa tartanka koobka adduunka oo ay isku arki doonaan Kooxaha France iyo Croatia, iyadoo ay goobta joogaan Madaxweynaha Ruushka ee martida loo yahay Vladimir Putin, iyo madax xiriirka kubada cagta FIFA Gianni Infantino, sidoo kale waxaa goob joog ahaan doona tiro ka mid ah madaxda dunida, sida laga soo xigtay website-ka rasmiga ah ee Kremlin.

Hadaba waa kuwee madaxda caanka ah ee ka qeyb galaya finalka oo fadhiisan doona safka VIda galabta Axada?

Garoonka finalka

Waxaa joogi doona Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo kooxdiisa dheeleyso iyo Madaxweynaha Croatia Kolinka Kitrovic oo iyadana kooxdeeda ciyaareyso.

Madaxda caanka ah ee ka soo muuqan doona ayaa ka mid ah Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas, amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad, Madaxweynaha Suudaan Cumar al-Bashiir, sidoo kale waxaa wajiyadooda ka soo muuqan doona Madaxweynahayaasha Armenia, Belarus, Gabon iyo Hungary.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5432 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: