Advertisements
Wararka

Luka Modric oo ku guuleystay abaalmarinta kubada dahabiga ee koobka adduunka…


Luka Modric ayaa lagu abaalmariyay kubada dahabiga ah oo noqday laacibka ugu wanaagsan ee koobka adduunka ee lagu qabtay Russia.

Modric oo ka kor qaaday Eden Hazard oo reer Belgium ah iyo Antoine Griezmann oo reer France ah, wuxuu noqonayaa laacibkii ugu horeeyey ee u dhashay Croatia oo abaalmarintan ku guuleysta.

Xiddiga France Kylian Mbappe ayaa ku guuleystay abaalmarinta laacibka ugu fiican oo ugu da’da yar koobka adduunka 2018, kadib markii uu soo bandhigay qaab ciyaareed loo bogay iyo goolal muhim ah oo uu u dhaliyey kooxda France.

Mbappe oo 19 jir iyo 207 maalmood jir ah ayaa dhaliyey afar gool intii uu socday tartanka koobka adduunka, wuxuuna ku jiraa kaalinta labaad liiska gool dhalinta asaga oo la siman Ronaldo, Lukaku, Griezmann, iyo Denis Cheryshev oo Ruush ah.

Wuxuu noqonayaa Mbappe ciyaaryahankii seddaxaad ee ugu yaraa oo ka qeyb gala tartanka koobka adduunka, waxaa uga horeeyey Pele iyo Giuseppe Bergomi oo Talyaani ah.

Goolhayaha Belgiam-ka Thibaut Coutois oo ku guuleystay Abaalmarinta Golden Glove ee goolhayaha ugu fiican ciyaaraha adduunka.

Harry Keane oo England ah ayaa ku guuleysatay abaalmarinta Kabaha Dahabka ah ee Koobka Adduunka ka dib markii uu 6 gool ka dhaliyay Koobka Adduunka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4988 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: