Advertisements
Wararka

Reer baadiye u aargudaya nin yaxaas dilay oo iyaguna laayey 292 yaxaas…


Dad reer baadiye ah oo deggen Tuulo ka mid ah dalka Indonesia oo ku hubeysanaa mindiyo iyo dubbayaal iyo budad ayaa waxay laayeen 292 yaxaas iyaga oo ugu aargudayay dilka nin yaxaas ku weeraray beer yaxaaska lagu tarbiyeeyo.

Wakaalada wararka ee Antara ayaa faafisay sawiro meydadka yaxaas badan oo tuban meel banaan ah aaga Sorong ee gobolka West Papua bariga Indonesia, kadib markii dad careysan ay galeen beertii yaxaaska lagu tarbiyeynayey ama xanaaneynayey iyagoo ka soo laabtay aaska ninkii ku dhintay gacanta yaxaaska, waxayna laayeen dhammaan yaxaaskii beerta ku sugnaa.

Madaxa hay’adda ilaalinta khayraadka dabiiciga ah ayaa sheegay in nin 48 jir ah galay beerta yaxaaska, wuxuu u jarayey caws uu ku quudiyo lo’diisa markii uu la kulmay weerarka.

Wuxuu intaa ku daray in beerta heshay ogolaansho in 2013 in lagu tarbiyeen karo yaxaaska ku nool biyaha cusbada leh, si loo ilaaliyo firkiisa, laakin shuruudaha ayaa ahaa inuusan dadka dhibaato u geysan. dhamaadka hadalkiisa ayuu ku sheegay in yaxaasku uu yahay xaywaan loona baahan yahay in la badbaadiyo.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5432 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: