Advertisements
Wararka

Safaarada Soomaalida ee Sudan oo beenisay warar ay baahiyeen warbaahinta Sudan…


Safaaradda Soomaaliya ee dalka Sudan ayaa beeniyay warar ay baahiyeen warbaahinta Sudan oo ah muuqaal dhaqan xumo ah oo ka hadlayay kufsi wado laami ah ka dhacay.

Warbaahinta ayaa sheegtay iyagoo soo xiganayay Saraakiil ciidan in muuqaalkaas xun uusan ahayn Sudan balse laga soo duubay Soomaaliya. Muuqaalka qof duubayey wuxuu ku hadlayey luqada carabiga.

Arrintan ayaa ka caraysiisay muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed oo dhibsaday in wixii xun ama anshax xumo loo saariyo Soomaaliya iyadoo aan laga fiirsan.

U qeybsanaha dhinaca Warfaafinta ee safaarada Soomaaliya ee Khartuum Fiidow Max’uud Fiidow oo la hadlay warbaahinta Sudan ayaa sheegay in muuqaalkaas uusan wax xiriir ah ku lahayn Soomaaliya sida ay qortay jariidada Al-Tayaar oo mas’uulkaas soo xiganaysay.

Fiidow ayaa Jariidada u sheegay iney qalad tahay magaca Soomaaliya in xumaan loo adeegsado aysana sax ahayn in dal walaal ah oo carbeed sumcadiisa wax loo dhimo.

Arrintan ayaa lagu amaanay U qeybsanaha Warfaafinta Safaaradda Soomaaliya ee Sudan sida dareenka mas’uuliyadeed iyo mida wadaniyeed oo u difaacay sharafta dalka iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4529 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: