Advertisements
Wararka

WhatsApp oo hirgelin doonto isbedel ballaaran oo xidida faafinta wararka beenta ah…


App-ka loo isticmaalo telefoonada iyo fariimaha ee WhatsApp-ka oo isticmaala 1.5 bilyan oo qof oo adduunka ah ayaa hirgelinaya isbedel ballaaran oo xadida awooda isticmaalaha ee faafinta wararka beenta ah iyo xadidaada awooda xawilaada fariimaha kooxo waaweyn oo cadadkoodu badan yahay.

WhatsApp oo ka tirsan shirkada Facebook ayaa xaqiijisay in ay tijaabin doonto in ay soo rogaan tirada ugu badan ee Chat ee maalintii in ay noqoto shan keliya dalka Hindiya, halkaasi oo ah dadka ugu badan ee isticmaala adduunka fariimaha, sawirada iyo video-yada la isu diro.

Sida laga soo xigtay isbedelka cusub, dadka isticmaala WhatsApp-ka waxay awood u yeelan karaan oo keliya in ay diraan fariimo gaaraya 20 qof oo keliya halkii ay ka aheyd 250 qof markii hore.

WhatsApp ayaa sheegtay in isbedelkan uu yimid kadib jawaab laga bixinayo wararka been abuurka ah oo mararka qaar sababa colaado sida dalalka India iyo Myanmar.

Waxaa laga yaabaa talaabadan ay qaaday WhatsApp in ay saameyn ku leedahay Facebook oo la kulantay naqdin doorkeedii faafinta wararka beenta ah.

Tusaalaha ugu khatarta badan in waxyaabaha lagu faafiyey Facebook ee wararka beenta ah ay horseeday in ay socoto dhibaatada Rohingya ee Myanmar, Facebook oo loo isticmaalayey faafinta wararka dacaayada ah oo hurinayey dagaal, taasi oo keentay in dad badan halkaasi lagu xasuuqo.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5173 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: