Advertisements
Wararka

Imaaraatka oo shuruud ku xirtay dhex dhexaadin laga dhex wado iyaga iyo Somalia…

Image processed by CodeCarvings Piczard ### FREE Community Edition ### on 2017-09-22 08:07:47Z | |

Imaaraadka Carabta ayaa shuruud ku xirtay dhex dhexaadin laga dhex wado iyaga iyo dowladda Soomaaliya, iyagoo dalbaday in marka hore raalli gelin laga bixiyo dhacdadii bishii April ee sanadkan, xilligaasoo garoonka diyaaradaha Muqdisho lagu xanibay diyaarad laga lahaa Imaaraadka.

Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ee Imaaraadka Carabta Dr. Anwar Gargash ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dowladdiisa ku xadgudubtay, markii ay la wareegtay lacag ay u wadeen ciidanka Soomaaliya.

Dr. Anwar Gargash ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay haatan garowsatay khaladka ay ka gashay Imaaraadka.

“Waxaan dowladda Soomaaliya ka sugeynaa inay raalli galin ka bixiso khaladkii ay naga gashay”ayuu yiri Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Imaaraadka oo ka hadlayay Xarunta Cilmi Baarista ee Policy Exchange ee magaalada London.

Mr Gargash ayaa xaqiijiyay inay jiraan dadaalo lagu dhex dhexaadinayo Imaaraadka iyo Soomaaliya, inkastoo aanu sheegin cidda wada dadaalada.

Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa mugdi galay, wixii ka dambeeyay markii dowladda Soomaaliya sheegtay inay dhexdhexaad ka tahay khilaafka khaliijka, isla markaana ay muuqatay ifafaalaha xiriirka Madaxtooyada iyo Qatar.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5176 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: