Advertisements
Wararka

Madaxweynaha Turkiga oo ka jawaabay hanjabaada cunaqabateynta uga timid Mareykanka…


Recep Tayyip Erdogan, madaxweynaha dalka Turkiga ayaa jawaab ka bixiyay hanjabaad cunaqabateyn dhaqaale oo dhowaan uga timid dowladda Mareykanka.

Erdogan ayaa ku jawaabay in loo baahanyahay Maraykanka in u wax ka beddelo qaabka u dalalka ula macaamilo ama u lumin doono xulafo daacad u ah .

Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka Mike Pence ayaa ugu hanjabay Turkiga cunaqabateyn culus haddii aysan sii deyn baadari u dhashay Mareykanka kaas oo u xirnaa tan iyo sannadkii 2016-ka.

Baadarigan oo lagu magacaabo Andrew Brunson ayaa dhawaan lasoo taagi doonaa maxkamad, waxaana ay go`aamin doontaa xukunkiisa, hadii dambiga lagu eedeynayo lagu helo waxa uu muteysan doonaa 35-sano oo xariga ah.

Waxa lagu eedeynayaa in uu taageero kooxda Kurdiyiinta PKK iyo ninka madaxweyne Erdogan uu ku eedeynayo in uu ka dambeeyo afgambigii dhicisoobay ee Turkiga Fethullah Gülen kaas oo ku nool Mareykanka.

Madaxweynaha Turkiga Erdogan ayaa horay u sheegay in ninkan ay sii deyn donaan oo ay ku badalan doonaan haddii uu Mareykanku usoo gacangeliyo Fethullah Gülen.

Mareykanka iyo Turkiga ayaa xiriirkoodu uusan wanaagsaneyn tan iyo sidii uu u dhacay afgambigii dhicisoobay ee Turkiga sannadkii 2015-kii.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5176 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: