Advertisements
Wararka

M/weynaha Puntland oo shuruud ku xiray wadahadal lala galo Somaliland ee colaada Tukaraq…


Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) ayaa waxa uu sheegay in marnaba aysan wada hadal ka geli doonin dagaalka kala dhaxeeya maamulka Somaliland, kaasi oo ku aadan colaada ka taagan degaanka Tukaraq.

C/wali Gaas ayaa sababta uu wada hadalka u diiday waxa uu ku micneeyay inay tahay in ciidamada Somaliland ay gacanta ku hayaan degaano ay ka talin jirtay Puntland, ilaa degaanadaas ay ka saaraana aysan wada hadal geli doonin.

“Waad ogtahay nimanka marba marka ka dambeysa degaanadeena ayay ku soo duuleen, wada hadal ma imaanaya inta dhul Puntland ay leedahay heysato Somaliland, dhulka waa inay ka baxaan kadib ayaan wada hadal geli karnaa.” Ayuu yiri Gaas.

Somaliland iyo Puntland ayaa waxa ay isku hayaan deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, halkaasi oo labada ciidan ay isku hor fadhiyaan.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4529 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: