Advertisements
Wararka

Ra’iisul wasaarihii hore ee Pakistan Nawaz Sharif oo isbitaal la dhigay…


Ra’isul wasaarihii hore ee Pakistan Nawaz Sharif ayaa la dhigay isbitaal kadib markii xaalad caafimaad oo dhanka wadnaha ay soo wajahday sida ay sheegtay xukuumada dalkaasi.

Saraakiil dhanka dowlada ayaa tilmaamay in mr sharif xabsi ku qaadanaya gaalshiraha Adiala la dhigay machadka caafimaadka ee Pakistan Institute of Medical Science ee ku yaal magaalada caasimada ah ee Islamabad.

Shaukat Javed oo ah wasiirka dowlada u qaabilsan gobolka Punjab oo ah halka uu xabsiga ku qaadanayo sharif ayaa warbaahinta u sheegay in 68 jirkan uu ka sheegtay xanuun dhanka wadnaha taasi oo keentay in isbitaal la dhigo.

Mar ay warfidiyeenada weydiiyeen inta maalmood uu isbitaalka ku jiri doono ayaa mas’uulkan waxaa uu sheegay in ay ku xiran tahay taqaatiirta.

Xisbiga Pakistan Muslim League-Nawaz ayaa bartooda Twitter-ka ku xaqiijiyay arintan waxayna sheegeen in mar sharif uu arintan kala tashaday dhaqtarkiisa gaarka ah.

Ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan booliska iyo kuwa gaarka ah ayaa loo daabulay isbitaalka la dhigay sharif si ay u xaqiijiyaan amniga sida uu sheegay Wasim Khwaja.

24-tii bishan July ayey aheyd markii gudiga caafimaadka u xil saaran mr sharif ay kula taliyeen in uu u baahan yahay daryeel caafimaad sida ay tabisay warbaahinta Pakistan.

Nawaz Sharif ayaa qaba cudurka macaanka iyo wadna xanuun ka iyadoo sanadii 2016-dii lagu sameeyay qaliin caafimaad.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5168 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: