Advertisements
Wararka

M/weynaha Mareykanka oo hogamiyaha Iiraan u jeediyey inuu la kulmo shuruud la’aan…


Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa soo jeediyay in u kulan la yeesho hogaamiyaha Iiraan shuruud la’aan xilligii ay labada dhinac ay isku af gartaan.

Wuxuu sheegay in u doonayo in u ka shaqeeyo wax muhiim ah oo lagu badalo heshiiskii dalalka caalamka ugu quwada weyn ay la saxiixdeen Iiraan ee Marykanka isaga baxay bishi May ee sannadkan.

Hamid Aboutalebi oo ah la taliyaha Madaxweyne Xassan Rouhani ayaa sheegay in wadahadallada ay ka horeyso in Maraykanka u dib ugu soo laabto heshiiska barnaamijka nukliyeerka.

Horaantii bishan Madaxweyne Trump ayaa Iiran ugu goodiyay inay cawaaqib xumo ay la kulmi doonto ka dib markii Madaxweyne Rouhani u ka digay in dagaal labada dal dhexmara uu noqon doono hooyadii dagaallada oo dhan.

Trump ayaa muujiyay in uu rabo in uu la kulmo madax ay ka warwareegaan dowladdo kale, waxaana madaxdaas ka mid ah hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4529 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: