Advertisements
Wararka

M/weyne Gaas oo dhagax dhigay deked cusub oo laga dhisayo deegaanka Garacad…


Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhagax dhigey deked cusub oo laga dhisayo deegaanka Garacad ee gobolka Mudug.

Dhagax dhigida dekedan oo hore loo qorsheeyay inuu si rasmi ah u dhagax dhigo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa saacadihii ugu dambeeyay uu ka baaqsaday Ra’iisulwasaaruhu inuu dhagax dhigo kadib markii cadaadis badan ay ugaga yimaadeen siyaasiyiinta dowlad goboleedk

Hase yeeshee Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in ay ka jawaabayaan baahida dadka kunool gobolka Mudug qeybta Puntland.

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale sheegay in dhowaan loo raadin doono dhismaha dekeda maalgelin iyadoo deegankana laga hirgelin doono mashaariic horumarineed.

Wararka aan la xaqiijin ayaa sheegaya in dekeda Garacad ay maalgelin doonto dowlada Ethiopia. Maamul goboleedyada dalka ayaa waxaa ka bilowday tartanka dhismaha dekedaha kadib markii dhowaan ay dowlada Ethiopia iyo Soomaaliya ay ku heshiiyeen in maalgelin lagu sameeyo illaa afar dekedood oo dalka ah.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5176 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: