Advertisements
Wararka

Booliska Kenya oo weeraray xarunta daweynta qur’aan saarka ee Islii Nairobi…


Booliska Kenya ayaa weeraray xarunta dawaynta dadka ee Qur’aan saarka ee ku taalla xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

Barnaamijka dabagalka ee BBC Afrika ayaa baaritaan uu sameeyay ku ogaaday in xarunta Daaru Shifaa ay ka dhacaan xadgudubyo lagu hayo dadka bukaan ahaanta halkaasi loo geeyo.

Booliska Kenya ayaa baaritaanno ku samaynaya caafimaadka bukaanada halkaasi joogo halka kuwa caafimaadka qabo ay u dirayaan guryihii ay ka yimaadeen.

Laanta la dagaalanka daroogada ee Kenya NACADA ayaa xaqiijisay in booliska ay xarunta cilaajka ay ka wadaan howlgal.

Mar sii horreysay laanta la dagaalanka daroogada ee Kenya waxay sheegtay in xarunta dhaqan celinta aysan ka sharciyaysan dalka islamarkaasna waxay cambaareysay xadgudubka iyo jirdilka lagu hayo bukaanada daawada halkaasi u raadsado.

Mulkiilaha xarunta Daaru Shifaa oo ku taala xaafadda Islii ayaa markii uu barnaamijka baxay kadib waxa uu cabasho ka muujiyay sida barnaamijka loo dhigay, wuxuuna beeniyay eedeymaha ku xusan barnaamijka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4529 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: