Advertisements
Wararka

Whatsapp oo soo bandhigtay App loo isticmaalo wicitaan kooxeed ama wadareed…


Whatsapp wuxuu ku dhawaaqay soo bandhigida howl cusub oo ku saabsan App-ka fariimaha deg deg ah ee caanka ah, taasi oo qofka u oggolaanaysa in uu u isticmaalo wicitaan kooxeed ama wadareed ilaa afar qof maqal ama muuqaal.

Shirkadda Mareykanka ayaa xaqiijisay in farsamadan cusubi ay diyaar u yihiin qaababka hadda jira ee isticmaalka fariimaha deg-deg ah oo loogu talagalay qalab mobile oo ku shaqeeya nidaamka Google Android iyo Apple IOS.

Si aad u sameyso wicitaan wadareed ah, marka hore waxaa waceysaa qofka koowaad kadibna waxaad riixeysaa calaamada “+” oo ku taallo dhinaca sare oo bidix ee shaashada.

Whatsapp ayaa xaqiijisay in dhammaan wicitaanka kooxdu ay yihiin kuwa xiran oo ka dhaxeysa oo keliya dadka is wacay.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4529 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: