Advertisements
Wararka

Dagaalamayaal ka tirsan al-Shabaab oo howlgal lagu soo qabtay degmada Afgooye…


Ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya ayaa howlgal ay ka sameeyeen degmada Afgooye iyo tuulooyinka hoostaga ku soo qabtay dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo ay ku jiraan saraakiil.

Sida wararku sheegayaan ciidamada Milateriga ayaa ragga ay qabteen waxaa ku jiray nin la sheegay inuu Al-Shabaab qaraxyada u sameyn jiray iyo nin kale carruurta u qora.

Warbaahinta dowladda ayaa daabacday in howl galka lagu soo qabtay illaa 32 ruux, waxaana labo ka mid ah ragga la soo qabtay oo ahaa saraakiil magacyadooda lagu gaabiyay Cumar Dheere iyo Iidow.

Sarkaalka magaciisa lagu soo koobay Cumar Dheere ayaa la sheegay inuu sanadkan AlShabaab u qoray illaa 300 dhalinyaro.

Howlgalada ciidamada Milateriga ka wadaan degmada Afgooye iyo deegaanada hoos yimaada ayaa la sheegay inuu horudhac u yahay sugida amniga degmadaas oo lagu wado inuu booqdo Madaxweyne Farmaajo.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4529 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: