Advertisements
Wararka

Gacan ku dhiigle dil ka soo geystay Laascaanood oo lagu qabtay magaalada Mogadishu…


Taliska qaybta hoggaanka Baarista Booliska Somaliya ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen gacan ku dhiigle dil ka soo gaystay Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.

Taliye ku xiggeenka Hoggaanka Baarista Dambiyada ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bishaar Abshir Geeddi oo la hadlay Warbaahinta, ayaa sheegay in qofka dilka geystay lagu magacaabo Axmed Cabdi Jaamac, uuna dilka u geystay Marxuum Sharmaarke Maxamed Cabdi Shire, waxaana uu xusay in gacan ku dhiiglaha uu kasoo baxsaday Magaaladda Laascaanood ee Gobolka Sool.

“Waxaan ku guuleysanay in lasoo qabto Gacan ku dhiiglihii isaggoo ku dhuumaaleysanayo Magaaladda Muqdisho, hadda waxuu ku xiran yahay Xarunta C.I.D.” ayuu yiri Gen. Bishaar

“Waa laga gudbay Xilligii Dambiile intuu dambe ka galo Gobolada iyo degmooyinka dalka uu meel kale ku dhuunto, waxaan idin sheegayaa 15 Bishii July inuu dilka geeystay Gacan ku dhiiglahaan, waxaana qabanay 28-ka July” ayuu mar kale yiri Gen. Bishaar Abshir Geeddi.

Booliska ma aysan sheegin ninka dilka gaystay inay dib ugu celinayaan Magaalada Laascaanood iyo inay ku haynayaan Muqdisho.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4529 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: