Advertisements
Wararka

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay labo wasiir oo ka tirsan dowlada Turkiga…


Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay cunaqabateyn kusoo rogtay labo wasiir oo kala ah wasiirka cadaalada iyo arrimaha guddaha ee dalka Turkiga.

Turkiga ayaa xubin ka ah gashaanbuurta NATO. Madaxweynaha Turkiga Rajab Teyib Erdogan ayaa si kulul u cambaareeyay hadalka Mareykanka ee ah inay cunaqabateynayaan dalkiisa.

Arrintan ayaa timid kadib markii maxkamad ku taala dalka Turkiga ay diiday inay sii deyso baadari Mareykan ah oo lagu magacaabo Andrew Brunson, kaasi oo lagu edeeyay inuu taageero u fidiyay kooxihii ka dambeeyay afgembigii dhicisoobay ee ka dhacay dalka Turkiga.

Baadarigan oo muddo laba sano ah xabsiga ku jiray ayaa beeniyaya inuu wax khalad ah sameeyay.

Mareykanka ayaa sheegay in cunaqabteynta ay si gaar ah ula beegsadeen waaxda cadaaladda ee dalka Turkiga iyo wasaaradda arrimaah gudaha.

Madaxda dalka Turkiga oo ka jawaabaya hadalka ka soo yeeray Trump ayaa sheegay in haddii Mareykanka uu ka firsan waayo hab dhaqankiisa uu lumin doono saaxiib dhab ah.

Madaxweyne Trump ayaa waxaa uu sheegay in qaabka dowladda Turkiga ay ula dhaqantay baadariga ay tahay mid aan la aqbali karin.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5176 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: