Advertisements
Wararka

Wararkii ugu dambeeyey qarax ismiidaamin oo ka dhacay magaalada Buuhoodle…


Faah faahin ayaa ka soo baxaya qarax ismiidaamin ah oo xalay ka dhacay magaalada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer, kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa sheegaya in ruux xirnaa jaakadaha qarxa uu isku qarxiyay gaari ay saarnaayeen labo ruux, waxaana la sheegay in ka hor inta aanu is qarxin uu gaariga istaajiyay, kadibna salaamay mid ka mid ah labada qof ee gaariga saarnaa, isagoo is qarxiyay.

Labada qof ee qaraxa lagu dilay ayaa kala ahaa Wasiirkii hore Arrimaha Gudaha Maamulka Khaatumo Axmed Maxamuud Doolaal iyo C/fataax Maxamed Cali oo horay u soo noqday la Taliyaha Ra’iisul Wasaarihii hore Cumar C/rashiid.

Sidoo kale C/fataax Maxamed Cali ayaa ahaa Madaxii maaliyadda Ururkii Xisbul islaam ee uu hoggaaminayay Xasan Dahir Aweys oo mar dambe la midoobay Al-Shabaab, hase ahaatee sanadkii 2013 isaga iyo Xasan Dahir isaga soo tagay.

Ma jirto illaa iyo hada cid sheegatay qaraxan ismiidaamin, waana qaraxii u horeeyay nuuciisa ee ka dhaca Buuhoodle iyo deegaanada gobolkaas.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5168 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: