Advertisements
Wararka

Shirkii Golaha wasiirada ee Garoowe oo la isku afgartay in la sii daayo maxaabiis…


Shirkii Golaha Wasiiradda ee maalintii shalay ka dhacay magaalada Garoowe ayaa qodobadii leysku afgartay waxaa ka mid ahaa sii deynta Boqolaal Maxaabiis ah oo ku xir xiran deegaannada Puntland, kuwaa oo loo heysto arrimo burcad badeednimo ah.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in madaxda dowladda Soomaaliya iyo Puntland isku afgarteen sii deynta maxaabiista ku jirta xabsiyada Puntland ee loo heysto arrimaha burcad badeednimada.

‘’Maxaabiista ku xiran Puntland ee loo heysto kiisaska Burcad badeednimada ee u xiran xukunnada looga soo riday dalka dibeddiisa, ayaa leysku afgartay in la sii daayo, iyada oo loo marayo sii deyn-tooda waddadii maxaabiistii iyaga la midka ahaa laga soo daayay dalalka dibeda’’ ayuu yiri Daahir Maxamuud Geelle.

Shirka ayaa sidoo kale arrimaha looga hadlay waxaa ka mid ahaa, Amniga, Qaraxii Buuhoodle, Maxaabiista u xir xiran burcad badeednimada, xaalada ka taagan xudduuda Soomaaliya iyo Kenya gaar ahaan weerarrada lagu hayo xarumaha Isgaarsiinta iyo qodobo kale.

Shirka Golaha Wasiirrada ee shalay ka dhacay ayaa yimid kaddib markii xal hoose laga gaaray wax xooggaa khilaaf ah oo ka dhashay go’aankii uu Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre uga baaqday dhaggax-dhigga dekedda Garacad oo ay siweyn uga xumaadeen siyaasiyiinta iyo waxgaradka Puntland.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4529 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: