Advertisements
Wararka

Gabadhii ugu horeysay oo loo ganaaxo qaadashada niqaabka awgii dalka Denmark…


Dalka Denmark oo dhowr maalmood ka hor laga hirgeliyay sharciga mamnuuca xirashada niqaabka ayaa gabar 28-jir aheyd waxaa lagu qaaday xukun ganaax ah oo la xiriira jabinta sharcigaasi.

Gabadhan la ganaaxay ayaa waxaa iyada oo xiran niqaab kula dhex dagaalay goob ganacsi dhexdeeda gabar kale taas oo niqaabka ay xiran tahay kasoo horjeeday, waxaana gacan ka hadal kadib goobta soo gaaray booliska oo labada haweenba saldhigga u kaxeeyay.

Waxaa lagu eedeeyay labaduba in ay “khal-khal” geliyeen daganaanshaha, waxaana gabadha niqaabka xirneyd usii dheeraa eedeyntaasi ganaax lacageed oo 1000 lacagta danishka ah kaas oo ay ku muteysatay jebinta sharciga niqaabka.

Dhacdadan oo ka dhacday xaafadda Hørsholm ee waqooyiga caasimadda Copenhegan ayaa noqoneysa tii ugu horreysay ee la xiiirta sharcigan cusub ee niqaabka islamarkaana ganaax lagu bixiyo.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5176 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: