Advertisements
Wararka

QM oo sheegtay in Waqooyiga Kuuriya uu weli uusan ka tanaasulin hubka Nukliyeerka…


Warbixin kasoo baxday Qaramada Midoobay oo lagaga hadlayay xaaladda Waqooyiga Kuuriya iyo heshiiska dhanka nukliyeerka ee dalkaasi lala galay ayaa waxaa lagu sheegay in waddankaasi wali uusan ka tanaasulin barnaamijkiisii hubka wax gumaada ee Nukliyeerka iyo gantaalaha ridada dheer.

Warbixinta oo 149 bog ka kooban ayaa lagu sheegay in sidoo kale Waqooyiga Kuuriya wali la jabiyo cunaqabateymihii ugu dambeeyay ee golaha ammaanku saaray kuwaas oo isugu jiray dhowr nooc oo saliiddu kow ka tahay, waxaana wali jira maraakiib ay Waqooyiga Kuuriya leedahay kuwaas oo badda dhexdeeda maraakiib kale kaga soo daabula waxyaabaha laga cunaqabateeyay.

Sidoo kale warbixinta ayaa lagu sheegay in Waqooyiga Kuuriya uu xiriir wadashaqeyn xagga hubka ah la leeyahay dowladda Suuriya, waxaana lagu sheegay in xubno ka tirsan kooxaha gantaalaha sameeya ee Waqooyiga Kuuriya booqdeen sanadihii 2011, 2016 iyo 2017 dalka Suuriya.

Waxaa sidoo kale warbixinta lagu sheegay in Waqooyiga Kuuriya uu isku dayay in uu hub ka iibiyo kooxda Xuutiyiinta ee dagaallada ka wada dalka Yemen, kadib shir qarsoodi ah oo ay ku yeesheen caasimadda Suuriya ee Dimishiq sannadkii 2016-ka.

Warbixintan ayaa kusoo aadeysa xilli wasiirka arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo uu shalay sheegay in uu aaminsan yahay in Waqooyiga Kuuriya uu kaga dhabeynayo heshiiskii ahaa baabi`inta hubkooda nukliyeeka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4518 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: