Advertisements
Wararka

Zakariye: Marnaba ma oran M/weynaha in Eritrea laga qaado cunaqabteynta hubka ee saaran…


Xildhibaan Zakariye Xaaji Maxamuud oo ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya, islamarkaana ka mid ahaa wafdiggii madaxweynaha ee tagay magaalada Asmara ayaa ka jawaabay buuqa iyo khilaafka diblomaasiyadeed ee ka dhashay baaqii madaxweyne Farmaajo ee ahaa in cunaqabateynta laga qaado Eritrea.

‘’Aniga waan hortaagnaa markii uu madaxweyne Farmaajo khudbadaa jeedinayay, marnaba ma uusan oran waa in Eritrea laga qaadaa cunaqabateynta hubka ee saaraan, ee madaxweynuhu waxaa uu ka hadlay waxey aheyd tan dhaqaalaha, waayo Annaga ayeey-ba cunaqabateyn dhinaca hubka ah na saaran tahay, sidee marka ku codsanaa in dowlad kale laga qaado’’ ayuu yiri xildhibaan Sakariye.

Xildhibaanka ayaa meesha ka saaray cabashada Jabuuti isaga oo sheegay in Eritrea iyo Jabuuti labaduba yihiin labo dowladood oo kala madax-bannaan sidaa daraadeed Soomaaliya ay xaq u leedahay in labadaba la macaamisho.

‘’Maxaa leysku bar bar dhigayaa Soomaaliya dowlad walba gaarkeeda ayeey ula dhaqmeysaa, dowladdaha-na sidaa ayeey u dhaqmaan, marka Eritrea –na gaarkeeda ayaan ula dhaqmeynaa, Jabuuti-na sidoo kale, tan kale arinta ka dhaxeysa Jabuuti iyo Asmara diyaar uma nihin in Jabuuti la dhabaateeyo, waxaana ay arintan ka hadlkeeda noqon kartaa tallaabada labaad, waayo hadda ka hor waxba kama aynaan qaban karin marka hore waxey aheyd in aan annaga la heshiinaa Eritrea markaa kaddib ayaan gali-karaa wax ka qabashada khilaafka labada dowladood’’ ayuu yiri xildhibaan Zakariye.

Booqashada madaxweyna Farmaajo iyo wafdigiisu ku tageen Asmara ayuu ku tilmaamay in ay aheyd mid taariikhi ah oo loo baahnaa, madaama dadka reer Ertirea waligood arag madaxweyne Soomaaliyeed.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4529 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: