Advertisements
Wararka

Al-Shabaab oo ku fulisay xukunno dil ah seddax ruux oo ay haweeney ku jirto…


Fagaare ku yaalla Magaalada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe ayaa waxaa shalay galab ka dhacay xukunno dil ah oo lagu fuliyay saddex ruux oo haweeney ay ku jirtay.

Maxkamadda Al-shabaab ayaa ku riday xukun dil ah Maxamuud Cabdi Abshir (Madaxey) oo jiray 32 sano ka dib markii lagu eedeeyey inuu horay u dilay nin lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Cabdi Warsame.

Qaadiga Maxkamadda oo goob fagaare ah xukunka Maxkamadda ka akhrinayay ayaa sheegay in ehellada lahaa dhiigga Ninkii horay loo dilay ay doorteen in loo qisaaso ayna diideen inay diyo qaataan ama cafiyaan.

Dhinaca kale, Fagaaraha weyn ee magaalada Jilib waxaa isla shaly galab lagu toogtay laba askari oo Al-shabaab ay sheegtay in lagu soo qabtay dagaalkii bishii la soo dhaafay ka dhacay degaanka Baar Sanguuni ee duleedka Kismaayo.

Askarta la dilay ayaa mid ka mida Waxay aheyd haweenay waxaana Maxkamada al-shabaab ay ku riday xukun dil ah lamana shaacin magacyadooda.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4529 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: