Advertisements
Wararka

Ciidamada Ammaanka oo rag hubeysan ku dilay xaafada Seybiyaanno ee Hodan…


Wararka laga helayo xaafada Seybiyaanno ee degmada Hodan ayaa sheegaya in ciidamada nabad-galyada dowladda Soomaaliya toogasho ku dileen rag hubeysan oo la socday gaari yar oo kuwa raaxada ah.

Goob joogayaal ayaa inoo sheegay in gaari ay wateen ciidamada dowladda oo noociisu ahaa Cabdi Bille muddo uu eryanayay gaarigan ay saarnaayeen saddexan nin oo hubeysnaa, hase ahaatee markii danbe waxaa bilaabatay is rasaaseyn dhex martay labada dhinac, ugu danbeyntiina ciidamadu waxaa ay toogasho ku dileen Labo ka mid ah raggii gaariga la socday halka mid kalena uu baxsaday.

Dhinaca ciidamada waxaa la sheegay in is rasaaseynta uu uga dhaawacmay hal askari oo ka mid ahaa ciidamadii la socday gaariga Cabdi Billaha.

Goobta ay wax ka dhaceen ayaa hadda waxaa ku sugan ciidamada dowladda, lamana garanayo ilaa iyo hadda waxa ay ahaayeen raggan toogashada lagu dilay.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4529 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: