Advertisements
Wararka

Jidadka magaalada Jigjiga oo saaka la soo dhoobay ciidamo boolis oo rabshadaha ka hor…


Wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in saakay jidadka magaalada soo dhoobteen ciidamo Booliis ah, gaar ahaa kuwa rabshadaha ka hortaga.

Ciidamada oo raxan raxan u socda ayaa gaaf-wareegaya guud ahaanba magaalada, waxaana la sheegay in intooda badan ciidamada-ni yihiin Soomaali.

Shalay waxaa magaalada ka dhacay rabshado xoogan oo ay dhigayeen dad-weyne isku soo baxay oo diidanaa awooda militari ee loo isticmaalay magaalada, taasoo keentay in markii danbe ciidamadi soo galay dib uga gurtaan.

Militariga oo dhinacooda hadlay-na waxaa ay sheegeen in sababta ay gudaha ugu galeen Jigjiga tahay in ay xaqiijiyaan nabad-galyada, wali-na ku taagan yihiin ka hortaga rabshado iyo amaan darro ka dhacda deegaanka.

Rabshadahii shalay dhacay ayaa lagu bililiqaystay dukaamo iyo bangiyo, waxaana dab la qabadsiiyay kaniisado iyo weerar lagu qaaday dadka aan Soomalida ahayn ee halkaasi ku noolaa, halka 10 qof ay ku dhinteen qalalaasahaasi.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5176 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: