Advertisements
Wararka

Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay degmada Afgooye oo dad ku dhintay…


Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in Afar ruux ku geeriyoodeen tiro kale oo ka badan 10 ruux-na ku dhinteen Qarax ismiidaamin ah oo halkaa ka dhacay.

Dadka weerarkan ismiidaaminta ah ku dhintay ayaa la sheegay in ay isugu jireen dad shacab iyo ciidamo ka tirsan dowladda, kadib markii gaari Hoomey ah oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa uu weeraray goob canshuuraha lagu qaado.

Saraakiisha ciidamada dowladda ee degmada Afgooye ayaa sheegay in khasaaraha ka dhashay weerarkan uu intaa ka badan karo.

Goobta Qaraxa lagu weeraray ayaa horay saddex jeer siddaan oo kale lagu qaaday Weeraro toos ah iyo Qaraxyo ay ku dhinteen Askar iyo dad Shacab ah.

Dhinaca kale wararka ka imanaya degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in shan askari ku dhaawacmeen qarax lala eegtay Abaanduulaha guutada labaad ee ciidamada xoogga dalka Cali Cariif.

Qaraxan ayaa ka dhacay gudaha Ex Warshadii hore ee Dharka ilaa iyo haddana war  kama soo bixin dhinaca maamulka gobolka Shabeellaha dhexe.

Subxnimadii hore ee saakay ayey aheyd markii ciidamada dowladda ay toogasho ku dileen gudaha magaalada Muqdisho rag hubeysnaa oo la socday gaari yar kadib markii ay ciidamadu ka shakiyeen.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5176 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: