Advertisements
Wararka

Dhul gariir ku dhuftay jasiirada Lombak ee Indonesia oo dilay dad badan…


Ugu yaraan 91 qof ayaa la xaqiijiyay in ay dhinteen ka dib markii dhul gariir uu ku dhufatay jasiiradda Lombok Axaddii, sida ay sheegeen saraakiisha gargaarka deg-degga ah.

Boqolaal qof ayuu dhaawac uu ka soo gaaray dhul gariirka, saraakiisha maareynta musiibooyinka ayaa intaasi ku dartay.

Baaxadda dhul gariirka waxa uu gaaray 7, waxa ayna wax yeello soo gaaraty kumanaan dhismo iyo korontada oo gabi ahaanba go’day.

Jasiiradda Bali oo daris la ah Lombok ayaa muuqaal laga duubay waxa uu muujnaya dad ka qaxaya guryahooda.

Dhulgariir indonesia1.jpeg

Dhul gariirkan ayaa imanaya iyadoo toddobaad ka hor uu dhul gariir ku dhuftay isla jasiiradan, kaas oo ugu yaraan galaaftay nolosha 16 qof.

Bukaanadii ku sugnaa cisbitaalada ayaa laga saaray, waxaana dhaqaatiirta ay ku daweeynayeen wadooyinka.

Markii uu dhacayay dhul gariirka waxaa jasiiradda Lombok ku suganaa wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Singapore, kaas oo ka qeyb galayay shir arrimaha amaanka looga hadlayay, waxa uuna barta Facebook qoraal uu ku qoray ku qeexay sida hoteelkii uu daganaa uu u ruxmay. Waxa uu yiri aad bay u adakayd in la sii taagnaado.

Garoomada diyaaradaha ee labada jasiiradood ayaa haatan si caadi ah u shaqeeynaya inkastoo ay waxyeello soo gaartay garoonka Denpasar ee jasiiradda Bali.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4529 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: