Advertisements
Wararka

Guurka oo daraasad ku sheegtay inuu qofka ka badbaadiyo cudurada wadnaha iyo stroke


Daraasad cusub ayaa tilmaameysa in guurku uu qofka ka badbaadiyo cudurada wadnaha iyo stroke ama dhinac qalal.

Baarayaasha daraasadan oo ka socday jaamacadaha Keele ee Britain iyo Macquarie oo Australia ah, waxay taxliiliyeen natiijadaha 34 daraasad oo laga qaaday dad gaaraya labo milyan oo qof oo da’dooda u dhaxeysay 42-67 ee Yurub, dalalka Scandinavian-ka, Waqooyigha Mareykanka, Bariga dhexe iyo Asia.

Hadaba daraasadan ayaa lagu ogaaday dadka aan reerka laheyn, ha ahaadaan kuwo aan weligood guursan, kuwa is furay, kuwa laga dhintay, waxaa lagu arkay kor u kaca khatarta cudurada wadnaha iyo marinada dhiiga, markii loo barbar dhigo kuwa reeraha leh ama is qaba.

Laakin natiijada daraasadan ayaa u baahan daraasad kale oo cadeysa saameynta nolosha qoyska ee dhinaca caafimaadka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5168 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: