Advertisements
Wararka

M/weynaha Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud oo is casilay…


Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jigjiga, ayaa sheegaya in gelinkii danbe ee Maanta uu is casilay Madaxweynihii Dowlad Deegaanka Somalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar, kadib Cadaadis xoogan oo mudooyinkaba uga imanayay Dowladda Federalka Itoobiya.

Is casilaadiisa kadib, waxaa la soo Magacaabay Axmed Cabdi Maxamed oo ku magac dheer (ILKA CASE), Waxa uu ahaa Wasiirkii Maaliyada, isagoo sidoo kalena Xubin ka ah Baarlamaanka DDSI.

Madaxweynaha DDSI ee cusub.jpg

Madaxweynaha Cusub ee Dowlad deegaanka Somalida Itoobiya oo ah nin da’yar ayaa Degmada GARBO ku dhashay Sanadii 1986dii, isagoo 2012kii ka baxay Jamaacada Diridhabo, Wuxuuna ka baxay Xisaabaadka iyo Bankiga, Waxa uu sidoo kale 2017kii ka baxay Jamaacada BAHARDAR.

Madaxweynihii Dowlad Deegaanka Somalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa isaga ku sugan Magaalada Jigjiga, lamana oga sida xaalada ay sii ahaan doonto.

Shabakada Wararka
hagaag.com
Info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4529 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: